Thursday, April 18, 2024
HomeWararAmniga Magaalooyinka waa weyn ee Faranciiska oo si weyn loo adkeeyay

Amniga Magaalooyinka waa weyn ee Faranciiska oo si weyn loo adkeeyay

Faransiiska ayaa waxa uu isku dubaridayaa 100,000 oo boolis ah si ay u kala kaxeeyaan dadka isugu soo baxaya xafladaha lagu soo dhaweynayo sanadka cusub ayna u dhaqangaliyaan bandowga dalkaas lagu soo rogay si loo xakameeyo fayraska korona.
Ciidammada dheeraadka ah ayaa sidoo kale looga gol-leeyahay in lagu hor istaago in gawaari dab la qabadsiiyo arrintaas oo badanaa la sameeyo habeenka ugu dambeeya ee sanadka.

Faransiiska ayaa waxa uu xaqiijiyay in 2.6 milyan oo xaaladood oo fayraska korona ah, tiradaas oo ah tan shanaad ee ugu badan caalamka, halka dhimashaduna ay ka badan tahay 64,000 oo qof.
Sida dalalka kale ee Yurub, Faransiiska ayaanan looga dabaaldegin dhalashada sanadka cusub xilli uu jiro cudurka safmarka ah.
Khudbadda sanadka cusub ay jeedisay ayey hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, waxa ay si qiiro leh uga hadashay cudurka safmarka ah kaas oo “wax ku soo rogay qof walba, dadka qaarna kaba saa’id caleeyay” sanadkii 2020.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe