Monday, April 20, 2026
HomeWararAmnesty: Al-Shabaab, Militariga Dowladda & Shirkad gaar ah ayaa Shacab ku xasuuqay...

Amnesty: Al-Shabaab, Militariga Dowladda & Shirkad gaar ah ayaa Shacab ku xasuuqay Mozambique!

War kasoo baxay Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa lagu sheegay in dambi ka dhan ah Bani aadamnimada uu ka dhacay Dalka Mozambique ee dhaca Koofurta Qaaradda Afrika.

Boqolaal Rayid ah ayaa si aan kala sooc lahayn loogu dilay Dalkaas, waxaana ka dambeeya Koox la magac baxday Al-ShabaabMiitariga Mozambique & militari shirkad gaar ah leedahay oo ay kireysatay Dowladda.

Xadgudubyada ugu weyn ayaa ka dhacay Gobolka Dhaca Waqooyiga Dalkaas ee lagu magacaabo Cabo Delgado, waxaana la ciribtirayaa rayidka deegaansanaya Gobolkaas muddo dheer sida ku xusan qoraalka.

Goobjoogayaal ayaa arkay dhimashada dad badan, waxaa hooseeya gargaarka bani aadamnimo, qoysaska ka badbaaday rabshadihii ugu dambeeyay ayaa wadnaha farta ku haya iyaga oo ka cabsanaya in la beegsado.

Shirkadda militariga gaarka loo leeyahay ee Koonfur Afrika Dyck Advisory Group ayaa raadkaan soo galay, waxaana lagu eedeeyay in ciidamo ay ka kireysay Dowladda Mozambique in ay xasuus aan loo meel dayin u geysteen Shacab.

“Dadka Gobolka Cabo Delgado waxaa kala qaybsaday oo dhibaateynaya Ciidamada ammaanka Mozambique, Koox calooshood u shaqeystayaal ah oo katirsan Shirkadda Dyck Advisory Group & Al-Shabaab, waxa ay ku tuntaan cadaaladda, xuquuqda aadanaha & in ay maankooda ka bixiyeen jiritaanka xisaabtan dambe” Sidaasi waxaa lagu yiri Qoraalka dheer ee Hay’adda Amnesty International.

Warka kasoo baxay Hay’adda Amnesty International ayaa dhinacyadaan loogu baaqay in si degdeg ah ay u joojiyaan xadgudubka rayidka ka dhanka ah, waxaana ay ku talisay in ay la sameeyo baaris dhab ah loogu ogaanayo kiisaska shacabka la dhibaateeyay.

Bishii Maarso 2020 Dalka Mozambique waxaa xoogeystay weerarada ay geysaneyso koox la magac baxday Al-Shabaab, waxaana ay fulisay weeraro & dilal kala duwan sida lagu sheegay warka kasoo baxay Hay’adda Amnesty International.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe