Home Dhageysi DHAGEYSO:Alshabaab oo Gubay Gawaari Iyo Dadkii La socdayba

DHAGEYSO:Alshabaab oo Gubay Gawaari Iyo Dadkii La socdayba

508

Wararka Ka Imaanaya Gobolka Bakool Ee Koofur Galbeed Soomaliya Ayaa Sheegay In Gaadiid Xamuul Ah oo Raashin Ganacsi Waday Ay Wadada U Galeen Dagaalamayaal Katirsan Alshabaab 2 Bishaan oo Kubeegan Sabtidii Todobaadkaan Ku Waasi oo Marayay inta U Dhaxaysa Deegaanka Qurac Joome iyo Dagmada Xudur Ee Xaruunta Gobolka Bokool.

Gadiikaasi Waxaa Ay Ka soolaabteen Magaalada Xudur Ee Gobolka Bakool Halkaasi oo Ay Geeyeen Raashin Ganacsato Ay Leheed oo Horay Ay Uga Rareen Magaalada Baladweyne Ee Xaruunta Gobolka Hiiraan.

Sida Ay Inoo Xaqiijiyeen Wariyaal Kusugan Gobolka Bakoo Tirada Gaadiidka Waxaa Ay Gaaraysay ilaa iyo 14 Gaaray Waxaana La sheegay in Dab Ay Qabadsiiyeen Alshabaab 10 Ka Mid Ah Halka Afarta Kalana Ay Ka Baxsadeen.

Sidoo Kale Tira Dad Ah oo Gawaarida La socotay Ayaa La sheegayaa in Alshabaab Ay Shan Ka Mid Ah Toogteen Halka Qaar Kalana oo Dadkii Ka Baxsaday Dadka Ay Alshabaab Dileen Ayaa Lagu Kala Sheegay 2 Darawal 2 Kirishbow iyo Halruux oo shicib Ah Waxaan Sidoo Kale Jira Dad Dhaawacyaa oo Iyagu Lageeyay Isbitalo Kuyaala Xudur iyo Deegaanaka Qurac Joome

Deegaanaka Ay Dhacdadu Kadhacday Waxaa uu Qiyaastii in Kabadan 70km Dhinaca Waqooyi Ka Xigaa Dagmada Xudur Ee Xaruunta Gobolka Bakool

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin