Friday, July 3, 2026
HomeWararDibaddaAl-Shabaab oo weerar ku qaaday xerada ciidanka Itoobiya ee Ceelbarde

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday xerada ciidanka Itoobiya ee Ceelbarde

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah ATMIS iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka degmada Ceelbarde ee gobolka Baay, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar arbushaad ah ku qaadeen saldhig ay ciidamadaasi ku leeyihiin degmada, waxaana kadib dhacay iska hor imaad toos ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka ay mar dambe ku biireen ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed, taas oo keentay in dagaalka uu sii qaraaraado.

Ma cada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyio weerarka ka horreeyay, kaas oo xalay si weyn looga dareemay guud ahaan degmada Ceelbarde iyo degaanada ku dhow.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in Al-Shabaabkii weerarla soo qaaday ay dib u laabteen, kadib saacado ay dagaal ka wadeen halkaasi.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe