Wararka naga soo gaaray Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay Maanta la wareegeen degaanka Milxo oo hoostaga degmada laas-qoray, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayan in saaka ay degaankaas Al-shabaab weerar ku qaadeen, waxaana dagaal ay la galeen maleeshiyaad gacanta ku haayay degaanka Milxo ay suurto gashay inay la wareegaan.
Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen Guddoomiyihii Tuulada Milxo Maxamed Jaamac Aar (Bulbul) iyo shakhsiyaad kale oo ka tirsanaa Maamulka degaanka.
Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay sheegayaan inay hawada ka maqan tahay isgaarsiinta degaanka Milxo oo hoostaga degmada laas-qoray, isla markaana Al-Shabaab ay ku faafeen Xaafadaha kala duwan ee degaanka.
Warar madax bannaan oo shalay soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayeen in Al-Shabaab hub farabadan ay kala soo dageen xeebta Durduri oo ku dhow degaanka Milxo.