Saturday, March 22, 2025
HomeWararAl-shabaab Iyo Ciidamada Itoobiya Oo Ku Dagaallamay Gobolka Bay

Al-shabaab Iyo Ciidamada Itoobiya Oo Ku Dagaallamay Gobolka Bay

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan  qarax iyo weerar toos ah oo lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Itoobiya kuwaasoo marayay duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Bay.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in uu jiro Khasaare soo gaaray Ciidanka dowladda Itoobiya ee Qaraxa lala beegsaday.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dileen ku dhawaad 60 Askari oo ka tirsan ciidanka Itoobiya ka dib markii ay la beegadeen Qaraxyo iyo weerar toos ah.

Al-Shabaab ayaa sheegtay sidoo kale in ay qabsadeen Gaadiid dagaal iyo dhaawacyo Ciidanka Itoobiya ay ka carareen, islamarkaana Saacaddaha soo socda ay soo bandhigi doonaan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Ciidanka dowladda Itoobiya ee ka howlgalla gobolka Baay oo ku aadan sheegashadda Al-Shabaab.

Al Shabaab ayaa wadooyinka ay isticmaalaan Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda waxa ay u dhigaan qaraxyada Miinooyinka ee waxyeelada gaarsiiya Ciidankaasi.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe