Ururka Al-Qaacida ayaa war kasoo saaray weerarkii dhawaan Al-Shabaab ay ku qaadeen Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya Hoteel ku yaalla,halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 21 qof.
Warka kasoo baxay Al-Qaacida ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi ay soo dhaweynayaan sidda uu dhacay, islamarkaana Cid kaste oo Kenya iyo dalalka reer Galbeedka dagaal kula jirto ay soo dhaweynayaan.
“Waxaan taageeraynaa oo aan barakeynaynaa howlgalladii Qudus “ayaa lagu yiri qoraalka.
Warka ayaa lagu sheegay in howl-galkaas ay fuliyeen Afar ka mid ah ciidamada loogu magac darar Jeyshul Cusrah, oo ah ardaydii Saalax Cali Alnabhaani.

