Tuesday, March 18, 2025
HomeWararAkriso:-Wasaarradda A/dibadda Soomaliya Oo Tacsi U Dirtay Ehalada Marxuum Dan-jire Maxamed Shiikh...

Akriso:-Wasaarradda A/dibadda Soomaliya Oo Tacsi U Dirtay Ehalada Marxuum Dan-jire Maxamed Shiikh Xasan Cusmaan

Dhamaan Saraakiisha Sar Sare Ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Waxa Ay Tacsi Tiiraanyo Leh U Dirayaan Dhammaan Qoysaskii, Qaraabadii Iyo Saaxibadii Uu Ka Baxay dan-jire Maxamed Shiikh Xasan Cusmaan Oo Xalay Ku Geeriyooday Magaalada Ajman Ee Wadanka Isu-taga Imaaraadka Carabta.

Marxuum Maxamed Shiikh Xasan cusmaan Ayaa Waxa Uu ka Mid Ahaa Lix Safiir Ee U Horreysay Ee Gobollada Waqooyi Iyo Koonfur Laga kala Xulay Oo Soomaaliya U Matalay dal dibadeed.

Intii U Dhaxeysay Sanadihii 1960-1965 Waxa Uu Ahaa Dan-jirihii Soomaaliya Ee dalka Talyaaniga isagoo Noqday Safiirkii U Horreeyey Oo Soomaali ah Oo dalkaasi Loo Wakiisho.

Sidoo kale intii U Dhaxeysay 1965-1967 waxa Uu Ahaa Dan-jirihii Ee dalka Jarmalk.

Dan-jire Maxamed Shiikh Xasan Cusmaan Waxa Uu Ka Mid Ahaa Dad Xirfadlayaal Sare Ah Oo Soomaali Ah Oo la Howl Billaabay Aas-aasidda Dawladda Isu-taga Imaaraadka carabta, Isagoo ahaa Intii U Dhaxeysay 1977-1997-dii La Taliyihii Madaxweynihii Ugu horreeyey Ee Dalkaasi Shiik Zayid Bin Suldan Al-nahyan Ee arrimaha Sharciga Iyo mashaaricda Aasiya Iyo africa.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe