Saturday, March 22, 2025
HomeWararAkhriso:- Waxyaabaha Looga Hadlayo Kulanka Madaxweyne Farmaajo Iyo Kenyatta

Akhriso:- Waxyaabaha Looga Hadlayo Kulanka Madaxweyne Farmaajo Iyo Kenyatta

Madaxweynaaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa xalay waxa ay ku hoydeen Magalada Nairobi eu  dalka Kenya, iyaga oo ka ambabaxay Magalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhex dhexaadin waxa uu ka dhex wadaa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo dhawaan khilaaf diblumaasiyadeed soo kala dhex galay kaas oo salka ku haya arrimo la xiriira dhinaca muranka Badda.

Madaxweyne Farmaajo oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa ay Maanta wadahadallo la yeelanayaan Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo isna dhawaan tegay Wadamada Itoobiya iyo Ereteriya, hayeeshe ay hadal heyn badan uu dhaliyay safarkiisa.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in kulanka labada Madaxweyne ay uga  wada hadli doonaan in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliyo iyo Kenya,balse baraha Bulshada ayaa aad looga hadal hayaa kulankaas,iyada oo dad badan ay dhaliilsan yihiin.

Afhayeenka madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinur Maxamed Axmed, oo ka mid ah wefdiga la socda madaxweyne Farmaajo ayaa bartiisa Facebook ku sheegay  in kiiska badda lagu muransan yahay ee yaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aan wax gorgortan ah laga geli doonin.

Shacabka Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta ayaa dhegta u taagaya Go’aanada kasoo baxa kulanka ay Maanta wada yeelan doonaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Kenya iyo Ra’iisul Wasaaraah itoobiya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe