Tuesday, March 18, 2025
HomeWararAKHRISO:- Wararkii Ugu danbeeyay Maanta Xaaladda Deegaanka Tukaraq.

AKHRISO:- Wararkii Ugu danbeeyay Maanta Xaaladda Deegaanka Tukaraq.

Wararka saakay inaga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegayaaan in saakay xaalad deganaansho laga dareeymayo halkaasi, oo uusan jirin dagaal socda.

Warar aan ka heleyno deegaanka ayaa sheegaya in xalay markale uu dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidanka Somaliland iyo Puntland, kaasi oo la xiriiray dagaalkii shalay dhexmaray labadan dhinac.

Ilaa hadda lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaaladan dhacay waqtiyada kala duwan, inkastoo labada maamul ay guulo ka kala sheegteen dagaaladan.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya degaanka Tukaraq ayaa sheegaya in labada ciidan ay soo kala gaareen gurmadyo ciidan oo ka kala yimid magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa.

Lama oga waxa ay ku danbeyn doonta xaaladda deegaanka tukraq oo wali ay isku horfadhiyaan ciidamadii shalay ku dagaalamay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe