Friday, February 14, 2025
HomeWararAkhriso:-Saalax Xasan Cumar Oo Loomagacaabay Afayeenka G/Banaadir

Akhriso:-Saalax Xasan Cumar Oo Loomagacaabay Afayeenka G/Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu Saalax Xasan Cumar ugu magacaabay xilka Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ahna Agaasimaha Warbaahinta Gobolka.

Warqadan ayaa waxaa la ogeysiiyay Guddoomiye ku-xigeenada Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar faray inay dhameystiraan xeerkan fulintiisa, si shaqada ay u socoto.

Masuulkan cusub ayaa hada hayay xilka Agaasimaha Waaxda arrimaha bulshada gobolka Banaadir, wuxuu xilka kala wareegayaa Afhayeenkii hore C/fataax Cumar Xalane oo hada ah Agaasimaha Waaxda Hawlaha Guud ee Dowladda Hoose.

Halkaan Ka Aqriso Warqada Magacaabista

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe