Sunday, March 23, 2025
HomeWararAKHRISO:- Qaramada Midoobey Oo War ka Soo Saartay Dagaalk ka taagan Tukaraq.

AKHRISO:- Qaramada Midoobey Oo War ka Soo Saartay Dagaalk ka taagan Tukaraq.

Qaramada Midoobay ayaa waxay ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka Tukaraq oo ay isku heystaan ciidan ka kala tirsan maamulada Somaliland iyo Puntland.

Shalay oo ugu dambeysay waxaa dagaal uu dhexmaray ciidanka Somaliland iyo Puntland, wuxuuna dagaalkaas geystay khasaare kala duwan oo labada dhinac soo gaaray, maadaama uu socday ilaa gelinkii dambe.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa war qroaal ah oo uu soo saaray wuxuu ku sheegay in colaad aysan waxba tareyn balse loo baahan yahay in xasarada loo bedelo wada hadal labada dhinac ay yeeshaan.

Qaramada Midoobay waxay labada maamul ku boorineysaa inay wada hadal yeeshaan, ayna muhiim tahay in ay gaaraan heshiis xabad joojin iyo mid siyaasadeed, ka Hay’ad ahaan mar walba waxaan taageernaa nabadda, colaada waxaa ka dhasha in la waayo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.” Ayuu yiri Micheal Keating.

Danjiraha QM ee Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo kan Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ka dalbaday inay si deg deg ah khilaafkooda ugu raadiyaan xal nabadeed, si loo badbaadiyo dad badan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe