Friday, September 20, 2024
HomeWararAkhriso:-Maraykanka oo sheegay in amaanka soomaaliya muhiim u yahay Bariga Afrika

Akhriso:-Maraykanka oo sheegay in amaanka soomaaliya muhiim u yahay Bariga Afrika

Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Cirka ee dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Sarreeye Guuto William Prendgast ayaa sheegay in amaanka soomaaliya uu mihiim u yahay Bariga africa waxa uuna hadalkaasi ka sheegay  Munaasabad lagu soo gebagebeynayey Carbiskii Milliteri ee dhawaan lagu soo gebagebeeyey magaalladda Jinja ee dalka Uganda.

William Prendgast oo ah Madaxa Wafdigii Milliteriga Maraykanka uga qeyb galay Carbiskii Ciiddamo ka socday dalalka Bariga Afrika iyo kuwo Reer Galbeed sida wadajirka ah ugu sameeyeen Uganda.

Waxa uu tilmaamay inuu Carbiskaasi ahaa mid muhiim u ah Hawlgalladda Wadajirka ee lagu soo celinayo Ammaanka Mandiqadda Geeska Afrika.

“Ammaanka Somalia waa Ammaanka Bariga Afrika, wuxuuna muhiim u yahay Hawlgalladda Wadajirka ee lagula dagaalamayo Colaadda Xag-jirayaasha” ayuu yiri William Wxa uu intaasi ku daray in Carbiska laga kororsaday Aragtida Ammaanka Somalia iyo Xilliga Kala-guurka ee ay Hawlgalka AMISOM ku wareejinayaan Ciiddanka DFS hawlaha sugidda Ammaanka iyo Nabadda Somalia.

Jeneral William Prendgast waxa uu xusay in Hawlgalka AMISOM qeyb ka yahay Dhismaha Deganaanshaha iyo Nabadda Qaaradda Afrika.

Dhinaca kale, Taliye-xigeenka Ciiddanka Uganda, Jeneral Wilson Mabadi oo ka hadlay Munaasabadda lagu soo xiray Tababarka Ciiddamadda ayaa sheegay in Hawlgalladda Isku-dhafka ee lagu taageerayo Nabadda aysan ka macaashaynin Somalia oo keliya, balse ay faa’ido u tahay dalalka caalamka ee ay colaadaha iyo iska horimaadyada ka jiraan.

Carbiska Milliteri ee Sannadlaha ah ee dhawaan lagu soo gebagebeeyey dalka Uganda ayaa la sheegay inay dulucdiisa ku jiheysnayd u diyaargarowga Xilliga Kala-guurka ee ay Ciiddanka AMISOM  ugu wareejinayaan Ciiddanka DFS sugudda Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

Tababarkaasi oo socday muddo 12 maaalmood ah, waxaa ka qeyb galay ciiddamo tiradoodu dhamayd 180 Askari oo ka kala socday dalalka Uganda, Somalia, Maraykanka, Rwanda, Britain, Holland, Talyaaniga, Burundi, Kenya iyo Tanzania.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe