Sunday, January 19, 2025
HomeWararAKHRISO:-Keating Oo Madaxwaynaha Jabuuti Kalahadlay Dagaalka Tukarakh

AKHRISO:-Keating Oo Madaxwaynaha Jabuuti Kalahadlay Dagaalka Tukarakh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Jabuuti mudane  Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan looga hadlaayay Ammaanka degaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaa uu la qaatay wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

Micheal Keating ayaa waxaa uu ku sugan yahay dalka Jabuuti, waxaana sababaha uu u tagay qeyb ka ah sidii Madaxweynaha Jabuuti uu kaga qeyb qaadan lahaa xasilinta gobolka Sool, oo dagaal culus oo ku dhexmaray maamulada Somaliland iyo Puntland.

Sidoo kale Keating waxaa  uu uga warbixiyay Madaxweyne Geelle xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, isagoo u sheegay inkasta ay jiraan caqabado badan, balse horumaro la sameeyay ay jiraan.

Kulanka labadda mas’uul ayaa waxaa si wayn looga hadlay xiisadda colaadeed ee ka dhaxeysa Puntland iyo Somaliland, taasoo salka ku haysa maamulka gobolada Sool iyo Sanaag.

Qaramada Midoobey ayaa ku guuldareystay xalinta dagaalka Tukaraq oo ay ku dhinteen ku dhawaad 100 qof oo isugu jira Shacab iyo ciidan.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa wali hawadda iskumarinaya Hanjabaado , waxaana culimadda iyo waxgaradka labada dhinac ay ku guuldareyteen xasilinta Xiisadda Tukaraq.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe