Friday, February 14, 2025
HomeWararAkhriso:-Guddoomiyaha Degmada Hodan Oo Maanta Xilkii Laga Qaaday

Akhriso:-Guddoomiyaha Degmada Hodan Oo Maanta Xilkii Laga Qaaday

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Maanta waxa uu xilka qaadis ku sameeyey Guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo.

Maxamed Axmed Cantoobo ayaa waxaa sidoo kale loo Magacaabay in uu noqdo Agaasimaha guud ee Arrimaha Bulshada ee maamulka gobolka Banaadir,kaas oo uu horay u haayey Saalax Xasan cumar oo isna Maanta loo Magacaabay Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Hodan ayaa si KMG ah waxa xilkaas loogu dhiibay ku xigeenkiisa.

Isbedelka uu wado Guddoomiyaah gobolka Banaadir,ayaa sidoo kale warar aan helnay waxa ay sheegayaan in uu saameyn doono gudoomiyeyaal badan oo uu guddoomiye Yariisow xilka qaadis ku sameyn doono.
QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe