Friday, February 14, 2025
HomeWararAkhriso:-Dowladda Dhexe Oo Cambaareysay Falkii Ciidamada AMISOM Ay Ku Dileen Dad Shacab...

Akhriso:-Dowladda Dhexe Oo Cambaareysay Falkii Ciidamada AMISOM Ay Ku Dileen Dad Shacab Ahaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareynaysaa dhacdadii ka dhacday degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir 6dii Nofeembar 2018ka, taas oo ay ku lug lahaayeen Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayna ku naf waayeen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku wargelinaysaa Xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya in si deg deg ah loo soo dhammeystiro baaritaanka dhacdadaan, loona hor keeno sharciga cid kasta oo ay ku caddaato in ay ku lug lahayd, Dowladda Soomaaliya waxa ay billaabeysaa baaritaan gaar ah oo la xiriira dhacdadan.

In kasta oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya garowsantahay duruufaha ay ku shaqeeyaan ciidamada dalalka aan walaalaha nahay ee kamidka ah hawlgalkaAMISOM iyo dhiigga ay ku bixinayaan nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, haddana waajibka ugu horreeya ee dowladda Soomaaliya waa ilaalinta nafta iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan Goleyaasha Dowladda waxa ay tacsi u dirayaan ehelada dadkii ku geeriyooday dhacdadan, waxa ayna farayaan hay’adaha ay quseyso la socoshada iyo daryeelka caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay

Hoos Ka Akhriso Waqradda:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe