Wednesday, May 27, 2026
HomeWararAfhayeenka Xukuumadda oo dalka dib ugu soo laabtay

Afhayeenka Xukuumadda oo dalka dib ugu soo laabtay

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib markii uu kasoo bogsaday qarixii uu ku dhaawacmay ee lala eegtay.

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Bahda Saxaafadda, Ehelkiisa iyo qaar kamid ah saaxiibadiis.

Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ku dhaawacmay qarax Ismiidaamin ah oo lala beegsaday 16-kii Bishii Janaayo, waxaana dhaawac kasoo gaaray lagu soo daaweeyay dalka Turkiga.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa dhawaan tegi doona Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan si uu ugu tartamo kursiga Xildhibaan ee Golaha Shacabka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe