Wednesday, May 6, 2026
HomeWararGudahaAfar Weriye oo lagu xiray Muqdisho iyo Cambaareyn laga soo saaray

Afar Weriye oo lagu xiray Muqdisho iyo Cambaareyn laga soo saaray

Ciidanka Booliiska ee Saldhigga Xamar Jajab ayaa si xoog ah ku ka xeystay Wariyaha Shabelle Shugri Caabi Cabdi iyo Muuqaal Duubbe Cabdullaahi Cabdifitaax Siidoow, xili ay ku guda jireen sameynta sheeko ku saabsan barakicinta Shacabka ee ka socota Muqdisho.

Askartaan ayaa la sheegay in ay si aan wanaagsaneyn ula dhaqmeen wariyayaasha Shabelle islamarkaana ay qalabkii ka qaateen inta aysan xirin.

Sidoo kale Wariye Jacfar Maxamad Jimcaale iyo Sawir qaade Nuur Xasan Cali oo ka tirsan Kalsan Tv ayaa xiligan sifo aan sharci ahayn ugu xiran Saldhigga Dayniile ee hoostaga qeybta galbeed Xili ay ku guda jireen Howlahooda shaqo.
Maamulka Telefishinka Kalsan Tv Ayaa sheegay in ay ka xunyihiin xariga loo geystay Howlwadeenadooda iyo is hortaaga Sharci darada ah ee lagu sameeyay shaqadooda.

Ra’iisul Wasaare Hore Xasan Cali Kheyre “ayaa si adag u cambaarey afduubka uu taliska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u gaystay wariyaasha kala ah Shukri Caabi Cabdi, Jacfar Maxamed Jimcaale, Cabdullaahi Cabdifitaax Siidoow iyo Nuur Xasan Cali oo ka hawlagala Telefishannada Shabeelle iyo Kalsan, kuwaas oo la xiray iyagoo maanta tabinaya barakicinta iyo dhulboobka ay dowladdu ka waddo degmooyinka Xamarjajab iyo Deyniile.

Waxaa ayaandarro ah in taliska arxanka daran ee Madaxweye Xasan Sheekh uu u sii xuubsiibanayo burcadnimo iyo kalitalisnimo, kuna hawllan yahay barakicinta dadka danyarta ah, boobka dhulka shacabka iyo danta guud, gumaadka dadweynaha, xarigga saxaafadda, iyo afduubka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Waxaa nasiibdarro ah in taliska uu gabbalkiisu sii dhacayo ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku jira maalmihiisii ugu dambeeyay uu ku mashquulsan yahay xaalufinta dalka, barakicinta dadka, iyo boobka hantida qaranka. Waxaan indheergaradka bulshada iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in loo diyaargaroobo sidii dalka iyo dadka looga badbaadin lahaa taliskan arxanka daran oo caadeystay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ficillo naafeynaya dowladnimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale War ka soo saaray Xariga Maanta muqdisho Loogu gaystay qaar ka mid ah Bahda Saxaafadda.
𝗕𝗜𝗦𝗠𝗜𝗟𝗟𝗔𝗛 : 𝗕𝗔𝗬𝗔𝗔𝗡 𝗖𝗔𝗠𝗕𝗔𝗔𝗥𝗘𝗬𝗡 𝗔𝗛
Waxaan si adag u cambaareynayaa xarigga xaq-darrada ah ee maanta loo geystay warriyaal ka howlgala Shabelle iyo Kalsan Tv Cabdullahi Cabdifataax Siidow, Jacfar Maxamed Jimcaale iyo Nuur Xasan Cali, kuwaas oo si nabad ah u gudanayey waajibaadkooda warbaahineed.

Xarigga wariyaashaas waa fal ka hor imaanaya xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta, isla markaana lid ku ah mabaadi’da dowladnimo, sharciga, iyo dimuqraadiyadda.

Waxaan si cad u cadeynayaa: xorriyadda hadalka iyo saxaafaddu waa tiir muhiim u ah dowladnimada casriga ah, mana aha arrin lagu cabburin karo awood ama amar siyaasadeed.

Waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha ay khuseyso in si degdeg ah loo sii daayo dhammaan dadka sida sharci darrada ah loo xiray, lana dhowro xuquuqda muwaadiniinta iyo madaxbannaanida warbaahinta.

Xaalada soomaaliya ayaa hada u muuqata mid sii xumaaneysa waxaana jira walaac xoogaan laga qabo madaxbannaanida warbaahinta soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe