Friday, April 19, 2024
HomeWararAfar Ruux oo loo qabtay dil ka dhacay Magaalada Garoowe

Afar Ruux oo loo qabtay dil ka dhacay Magaalada Garoowe

Ciidamada Booliska Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa gacanta ku  dhigay Dadkii ka dambeeyay dilka Alle Ha u Naxariistee  Cabdikaafi Cabdixamiid Warsame oo Xalay lagu dilay Gudaha Magaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland.

War kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Nugaal oo uu hoggaamiyo Xuseen Cali Maxamuud ayaa waxaa lagu yiri” Ciidamada Booliska oo kaashanaya kuwa Sirdoonka ayaa xalay marka uu falkaasi dhacay waxay Gudaha Magalada ka sameyeen howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilka Marxuumka oo xiliga Goobta Ka baxsaday ayna suurto gashay soo qabashada dilkaas.

Booliska ayaa waxaa ay sheegeen inay dilka u qabteen Eedeysane Cabdikaafi Ibraahim Aadan Iyo 3 Dumar ah oo Eedeysanaha ku Wehelinayay dilka Marxuumka.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa U Mahad celiyay Ciidamada Booliska kuwa sirdoonka Iyo Bulshada oo Gacan weyn ka geystay howlgalka..

Taliyaha ayaa sheegay in cid walba oo fal geysata aysan ka baxsan doonin Ciidamada Ammaanka, isaga oo Bulshada uga Mahad celiyay sida ay Ciidamada ula Shaqeeyaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe