Abwaan Cabdullaahi Xirsi Baarleex ayaa saakay loo qaaday dalka Turkiga si looga soo daweeyo xanuun dhanka wadnaha ka hayay mudooyinkii ugu dambeeyay
Abwaanka oo katirsanaa hal abuurkii qaranka Soomaaliyeed ee aadka u soo caan baxay sanadihii todobaatatanaadkii ayaa isaga oo aad u xanuunsan waxaa laga keenay magaalada Hargeysa ee xarunta gobalka Waqooyi Galbeed halkaas oo uu ku dayacnaa,iyada oo aysan waxba u qaban maamulka dagaankaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya MD Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa bixiyay kharashka Ku baxaya dhamaan adeegyada caafimaad ee bukaanka Abwaan Cabdullaahi Xersi Baarleex waxaana saakay loo duuliyay Wadanka turkiga si loogu soo daweeyo isagoo horayna ay u sii raaceen xubno ka tirsan qoyskiisa
Abwaan Cabdullaahi Xirsi baarleex ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo Gacanta gargaar ee uu siiyay wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney usoo duceeyaan.