Sunday, April 12, 2026
HomeWararAbiy Axmed oo sheegay inay ka Shaqeynayaan xasilinta Soomaaliya

Abiy Axmed oo sheegay inay ka Shaqeynayaan xasilinta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa sheegay in jabkii ay u geysteen xoogagii TPLf oo ay kula dagaalameen gobolka Waqooyiga Itoobiya ku yaal ee Tigreega uu xal u yahay dalalka Geeska afrika.

Sida lagu sheegay Warbixin lagu daabacay Project Syndicate Abiy Axmed ayaa sheegay in Xoogagii TPLF ay qas ku hayeen dalalka deriska la ah Itoobiya, iyaga oo doonayay inay kala qeybiyan, hayeeshee ay soo afjareen.

“ Siyaasadda TPLF waxa ay aheyd mid ceeyriin ah oo uga fa’iideysanayeen inay kala qeybiyaan dalalka qaska uu kajiro, iyaga oo ka maqan,  balse anaga  dhankeena waaan nahay  kuwo ka Shaqeynaya xasilooni siyaasadeed ayuu yiri” Dr Abiy Axmed.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed waxaa uu sheegay in Xukuumadiisa ay ka Shayeneyso xasiloonida dalka Soomaaliya oo mudd ka badan 30 sao ku jira dagaalo sokeeye.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli saddexdii sano ee la soo dhaafay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay xiriir gar ah la laheyd Xukuumadda Abiy Axmed, taas oo siyaasiyiinta Soomaalida ay ku cambaareeyeen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe