Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynihii hore ee Liberia Ellen Johnson-Sirleaf, madaxweynihii hore ee Mozambique Joaquim Chissano, iyo madaxweynihii hore ee South Africa Kgalema Motlanthe – ergayga gaarka ah ee xalinta dagaalka ka socda Itoobiya Cyril Ramaphosa, madaxweynaha South Africa ahna gudoomiyaha Midowga Afrika.
Abiy Axmed wuxuu mahadnaq balaaran ujeediyey gudoomiyaha midowga africa, madaxweyne Cyril Ramaphosa walaacii iyo isfahamkii ugu weynaa ee lawadaagay dadaalada Ethiopia ee loogu jiro isla xisaabtanka iyo in sharciga lahorkeeno TPLF.
Sida laga soo xigtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku bogaadiyey ergooyinka gaarka ah booqashadooda ay ku yimaadeen Itoobiya, iyagoo ka walwalsan dhibaatada dagaalada kasoo gaareysa rayidka.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in Itoobiya ay ka mahadcelineyso tallaabaaan, isla markaana ay muujineyso dadaalka adag oo ay wadaan Madaxda Afrika.