Sunday, April 20, 2025
HomeWararAbiy Axmed oo Madaxweyne KMG ah u magacaabay Ismaamulka Tigreega

Abiy Axmed oo Madaxweyne KMG ah u magacaabay Ismaamulka Tigreega

Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa madaxweyne Ku-meel-gaadh ah u magacaabay Ismaamulka Tigreega ee woqooyiga dalkaas.

Madaxweynaha cusub oo lagu magacaabo, Dr. Mulu Nega, ayaa soo dhisaya xukuumad ku-meel gaadh ah.

Baarlamanka Itoobiya ayaa dhawaan qaraar ku kala diray Ismaamulka Tigreega; markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya iyaga iyo xukuumadda Abiy Axmed.

Xildhibaanada ka tirsan Aqalka golaha wakiilada ee Itoobiya ayaa ansixiyay in xasaanadda lagala noqdo 39 saraakiil ah oo ka tirsan maamulka Tigray kaddib codsi kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud.

Waxaana kamid aha madaxdan xasaanadda laga qaaday madaxweynaha Tigray, Debretsion Gebremichael iyo saraakiisha kala ah, Abay Tsehaye, Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi, Gebregziabher Araya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan TPLF.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe