Wednesday, April 22, 2026
HomeWararAadan Madoobe oo fariin Muhiim ah u diray dhigiisa Numan Kurtulmuş

Aadan Madoobe oo fariin Muhiim ah u diray dhigiisa Numan Kurtulmuş

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka la doortay ee dalka Turkiga Mudane Numan Kurtulmuş.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Turkiga, Alle ugu baryay inuu mas’uuliyada culus ku asturo.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa xusay in la adkeyn doono xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dowladood Soomaaliya iyo Turkiga.

Xiriirkaas ayuu sheegay inuu udub dhexaad u noqonayo wada shaqeynta iyo aqoon is weydaarsiga labada Baarlamaan oo sidoo kale buu yiri is dhaafsan doona tababarada iyo khibradaha maamulka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe