Sunday, November 1, 2026
HomeWararGudahaMadaxweyne Cirro oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Israa’iil u qaabilsan Somaliland

Madaxweyne Cirro oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Israa’iil u qaabilsan Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka Israa’iil u qaabilsan Somaliland, Michael Lotem, munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa.

Danjire Michael Lotem ayaa sidaas ku noqday wakiilka diblomaasiyadeed ee Israa’iil ee Somaliland, iyadoo munaasabaddan ay qayb ka tahay hirgelinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac. Jadwalka Madaxtooyada Somaliland ayaa hore ugu jiray munaasabad lagu guddoominayo warqadaha aqoonsiga danjiraha, halka Israa’iil ay Lotem u magacawday safiirkeedii ugu horreeyay ee Somaliland bishii Abriil 2026.

Madaxweynaha Somaliland ayaa soo dhaweeyey danjiraha, isaga oo ugu hambalyeeyey xilka loo igmaday. Cirro ayaa sheegay in imaatinka safiirku uu muhiim u yahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Madaxtooyada, madaxweynuhu wuxuu carrabka ku adkeeyey in Somaliland ay doonayso xiriir ku dhisan is-ixtiraam, dano-wadaag iyo iskaashi waara. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in iskaashiga la doonayo uu taaban karo dhinacyada siyaasadda, kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, amniga iyo tiknoolajiyadda.

Cirro ayaa sidoo kale xusay muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland, gaar ahaan goobta ay kaga taallo marinnada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isaga oo sheegay in ay fursad u tahay iskaashi la xiriira nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka.

Dhankiisa, Danjire Michael Lotem ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhoweynta, isaga oo sheegay inay sharaf u tahay inuu Israa’iil ku metelo Somaliland.

Lotem ayaa ballanqaaday inuu ka shaqayn doono horumarinta xiriirka labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca, ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda, caafimaadka iyo waxbarashada. Wuxuu sheegay in iskaashigaasi uu horseedi karo natiijooyin wax ku ool ah oo labada dhinac anfaca.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo Israa’iil ayaa si rasmi ah u bilowday kaddib markii Israa’iil ay 26-kii Diseembar 2025 ku dhawaaqday aqoonsiga Somaliland. Tallaabadaas waxaa xigtay booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, uu ku tegay Hargeysa bishii Janaayo 2026, iyo magacaabista Michael Lotem oo noqday safiirkii ugu horreeyay ee Israa’iil u dirto Somaliland.

Hase yeeshee, tallaabada Israa’iil waxay dhalisay diidmo xooggan oo ka timid Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ku adkaysanaysa in Somaliland ay qayb ka tahay dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, dalal iyo hay’ado caalami ah ayaa walaac ka muujiyey saameynta ay tallaabadaasi ku yeelan karto xasilloonida gobolka.

Guddoomidda warqadaha aqoonsiga danjiraha ayaa hadda ah tallaabo kale oo muujinaysa in xiriirka Hargeysa iyo Tel Aviv uu ka gudbayo heerkii ku dhawaaqista diblomaasiyadda, una gudbayo xiriir rasmi ah oo ay ku jiraan wakiillo diblomaasiyadeed iyo qorshayaal iskaashi oo dhinacyo kala duwan leh.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe