Sunday, November 1, 2026
HomeWararGudahaJubbaland oo baaritaanno ka sameysay laba kiis oo dil ah oo ka...

Jubbaland oo baaritaanno ka sameysay laba kiis oo dil ah oo ka dhacay Cabdalle Biroole iyo Buula-xaaji

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Jubbaland iyo Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa baaritaanno ka sameeyay deegaannada Cabdalle Biroole iyo Buula-xaaji, kuwaas oo la xiriira laba kiis oo dil ah.

Wafdiga baaritaanka sameeyay waxaa hoggaaminayay Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Jubbaland, Cabdishukri Maxamuud Golos, waxaana ka mid ahaa Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID), Captain Cumar Xujaale Cabdi, iyo Agaasimaha Xafiiska Xeer-ilaalinta, Maxamed Cismaan Cali.

Labada kiis ayaa la xiriira dilal ka dhacay duleedka deegaannada Cabdalle Biroole iyo Buula-xaaji. Sida lagu sheegay xogta laga bixiyay baaritaannada, laba haween ah ayaa lagu tuhunsan yahay inay sun u adeegsadeen dilka raggooda.

Intii uu socday howlgalka baaritaanka, hay’adaha amniga iyo garsoorka ayaa ururiyay agab loo tuhunsan yahay inuu xiriir la leeyahay falalka dilka. Sidoo kale, waxaa la wareystay dad la rumeysan yahay inay hayaan xog muhiim ah oo ku saabsan dhacdooyinka.

Baaritaannada ayaa lagu soo warramay inay si nabad ah ku dhammaadeen. Hase yeeshee, lama shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda labada haween ee la tuhunsan yahay, ama tallaabooyinka sharci ee xiga.

Kiisaska ayaa weli u baahan baaritaan dheeraad ah si loo xaqiijiyo eedeymaha loo jeediyay tuhmanayaasha, iyadoo go’aanka kama dambaysta ah uu ku xirnaan doono natiijada baaritaanka iyo habraacyada sharciga.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe