Tuesday, October 20, 2026
HomeWararGudahaGolaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka digay doorashooyin hal dhinac ah

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka digay doorashooyin hal dhinac ah

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si cad uga horyimid jihada ay ku socdaan qorshayaasha doorashooyinka dalka, iyagoo oo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu wado tallaabooyin hal dhinac ah oo halis gelin kara midnimada dalka, nidaamka federaalka iyo mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya.

War-saxaafadeed uu Goluhu soo saaray ayuu ku sheegay in si adag looga soo horjeedo jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxtooyada Federaalka, kaas oo uu sheegay in lagu soo saaray taliska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo aan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay laga gaarin hannaan doorasho oo dalka ka hirgala.

Goluhu wuxuu ku baaqay in heshiis laga gaaro doorashooyinka, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dib loo billaabo wada-hadallada dhexdhexaadinta, lana baadi-goobo heshiis siyaasadeed oo ay wada oggol yihiin dhinacyada siyaasadda, ayna taageerayaan saaxiibbada caalamka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajaheeyso caqabado culus oo isugu jira khatarta kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, saameynta fatahaadaha El Niño, abaaraha la xiriira isbeddelka cimilada iyo loollanka goboleed ee sii xoogeysanaya.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, khatarahaasi waxay sii kordhinayaan baahida loo qabo iskaashi, heshiis siyaasadeed iyo hoggaan mideysan, xilli uu dalku wajahayo caqabado amni, dhaqaale iyo kuwo bulsho.

Goluhu wuxuu sidoo kale sheegay in caawaqibka ka dhasha xaaladda siyaasadeed ee hadda taagan ay dhaawici karaan dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada, isaga oo walaac ka muujiyay kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo saameynta ay ku yeelan karto wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal dhab ah oo lagu gaarayo heshiis loo dhan yahay, kaas oo lagu heshiinayo hannaan doorasho iyo jadwal macquul ah.

Hase yeeshee, wuxuu caddeeyay in haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku adkaysto go’aannada uu Goluhu ku tilmaamay kuwo hal dhinac ah, uu qaadi doono tallaabooyin kale oo dastuur iyo siyaasadeed, kuwaas oo lagu ilaalinayo xuquuqda shacabka iyo sharciyadda doorashooyinka.

Goluhu wuxuu si gaar ah uga digay in qof ama koox gaar ahi aysan xaq u lahayn inay keligeed go’aamiso mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in mas’uuliyadda ka dhalata go’aannadaas iyo cawaaqibkooda ay qaadi doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo cid kasta oo ku taageerta tallaabooyinkaas.

Ugu dambayn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa shacabka ugu baaqay inay si wadajir ah uga hortagaan tallaabooyinka uu ku tilmaamay kuwo sharciga iyo dastuurka dalka baal-marsan, isla markaana khatar ku ah midnimada Soomaaliya, nidaamka federaalka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Goluhu wuxuu sidoo kale ugu baaqay saaxiibbada caalamka iyo daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya inay ka qaybqaataan dadaallada lagu badbaadinayo mustaqbalka dowladnimada dalka, lana taageero hannaan siyaasadeed oo ku dhisan wadatashi iyo heshiis loo dhan yahay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe