Sunday, October 11, 2026
HomeWararGudahaXiisadda Siyaasadeed iyo Amni ee Muqdisho oo Korortay, Ciidamo Aan tegi karin...

Xiisadda Siyaasadeed iyo Amni ee Muqdisho oo Korortay, Ciidamo Aan tegi karin Aadan Yabaalna Dood Dhaliyay

Dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa walaac iyo su’aalo ka muujinaya dhaq-dhaqaaqyada ciidamada kuwaa oo aan tagi karin degmada Aadan Yabaal, ee dib loogu soo celiyay caasimadda, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay saaka dhaqdhaqaaqyo ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo horay looga saaray.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa dhaliyay su’aalo la xiriira sababta ciidamada looga soo raray deegaannada ay ku sugnaayeen, xilligan oo ay jiraan walaacyo ku saabsan xaaladda amni ee deegaannada laga sameeyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah dadka ka falcelinaya arrintan ayaa isweydiinaya in dib u soo celinta ciidamada ee Muqdisho ay la xiriirto xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafaadka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka hoggaanka dowladda federaalka.

Doodda ka dhalatay dhaq-dhaqaaqyada ciidamada ayaa waxaa barbar socda eedeymo loo jeedinayo , Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo sheegaya in xaaladda siyaasadeed iyo amni ee caasimadda ay geli karto marxalad cusub.

Qoraallada iyo hadallada arrintan laga faafinayo ayaa ku doodaya in Xasan Sheekh Maxamuud, uu wajahayo cadaadis siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka, isla markaana ay jiraan walaacyo ku saabsan sida dowladda u maareyn doonto khilaafaadka gudaha.

Qoraal lagu faafiyay arrintan ayaa lagu yiri: “Odayga maadaama uu ku fashilmay dagaalkii Al-Shabaab, hadda wuxuu soo ceshanayaa magaciisii dal-xoreeye oo Xamar ayuu xoreysanayaa.”

Hadalkaas ayaa ka tarjumaya dhaliil loo jeedinayo hoggaanka dowladda, iyadoo dadka aragtidan qaba ay ku doodayaan in mudnaanta koowaad ay tahay in la xoojiyo amniga deegaannada laga saaray Al-Shabaab, halkii ciidamada dib loogu soo celin lahaa caasimadda.

Waxaa sidoo kale dood ka dhalatay muuqaallo la sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud uu soo bandhigay, kuwaas oo la xiriira cabashooyin ku saabsan sida loola dhaqmay ciidamada ammaanka.

Dadka dhaliilaya dowladda ayaa ku doodaya in arrimahan ay qayb ka yihiin xiisadda siyaasadeed ee sii kordheysa.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe