Monday, September 21, 2026
HomeWararGudahaPuntland oo Gaalkacyo ku qabatay laba gaari oo siday ciidamo ka tirsan...

Puntland oo Gaalkacyo ku qabatay laba gaari oo siday ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka

Ciidamada Puntland ayaa saaka koonfurta magaalada Gaalkacyo ku qabtay laba gaari oo la sheegay inay siday ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhanka Galmudug, waxaana wararku tilmaamayaan inay ku sii jeedeen dugsiga tababarka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.

Sida xogta la helayo, ciidamada ayaa la sheegay inay wadada ka lumeen xilli ay safarka ku jireen, kadibna ay soo galeen dhanka koonfurta Gaalkacyo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Puntland.

Labada gaari ayaa la sheegay in midkiiba ay saarnaayeen ku dhawaad 50 qof, taas oo tirada guud ka dhigaysa ku dhawaad 100 qof. Si kastaba, tirada saxda ah ee ciidamada iyo xaaladdooda weli si rasmi ah looma xaqiijin.

Sawirro iyo muuqaallo laga duubay gaadiidka iyo dadka la qabtay ayaa lagu baahiyay baraha bulshada, waxaana muuqaaladaas laga arkayay gaadiid iyo dad ciidan ah.

Puntland ilaa hadda kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan, mana cadda sababta rasmiga ah ee ciidamada loo qabtay iyo tallaabada laga qaadi doono.

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug weli kama aysan hadlin dhacdada.

Qabashada ciidamadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed iyo amni oo u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha ciidamada iyo dhaqdhaqaaqyada ka socda gobollada dhexe.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe