Saturday, August 8, 2026
HomeWararGudahaPuntland oo la wareegtay talis ciidan oo ku yaallay degaanka Carmo ee...

Puntland oo la wareegtay talis ciidan oo ku yaallay degaanka Carmo ee gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay talis ciidan oo ku yaalla degaanka Carmo ee gobolka Bari, halkaas oo ay hore u deggenaayeen ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka, kuwaas oo ay sameeyeen siyaasiyiin xiriir la leh dowladda dhexe.

Ciidamada Puntland ayaa si buuxda ula wareegay xaruntaas, waxaana la adkeeyay ammaanka goobta, iyadoo tallaabadan lagu sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, kala dambeynta iyo awoodda hay’adaha amniga ee Puntland.

waxaa ay sheegaty Puntland in dhammaan ciidamada iyo dhinacyada hubaysan ee ku sugan deegaannadeeda looga baahan yahay inay u hoggaansamaan hay’adaha sharciga ah ee Puntland.

Taliska Booliiska ayaa sheegay dhankooda inuu sii wadi doono tallaabooyinka lagu xoojinayo amniga, iyadoo hawlgallada lagu fulinayo, sida ay sheegeen si waafaqsan sharciga iyo Dastuurka Puntland.

Waa xaruntii saddexaad oo ay ciidanka Puntland kala wareegayaan ciidamo taabacsan dowladda Federaalka, haatan waxaa sidoo kale gabagabo ku dhow in ay Puntland la wareegto ciidamada Danab ee uu hoggaamiyo Gen. Jimcaale Jaamac Takar oo la sheegay inuu qaatay heshiis ah inuu la shaqeeyo Puntland, loona soo celiyo xaquuqdii ay lahaayeen.

Ciidamada Puntland ayaa horey gacanta ugu dhigay saldhig hore oo ka tirsan Ciidanka Amniga Puntland ee Boosaaso ka dib heshiis lala gaaray shaqaalihii halkaas ku sugnaa. Talaabadan waxay timid kadib dagaallo ka dhacay Galkayo horraantii toddobaadkan, halkaas oo ciidamada Puntland ay qabsadeen xero ay hayeen ciidamo la jaanqaaday Dowladda Federaalka. Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa hawlgalkii Galkayo ku tilmaamay fal amni oo qorshaysan.

Howlgaladaan ayaa waxay muujinayaan kacsanaan weyn oo ku saabsan muran muddo dheer jiray oo ku saabsan amar bixinta iyo qalabka ciidamada amniga ee Puntland, halkaas oo khilaafaadka Muqdisho ay ku kordheen arrimaha awoodda siyaasadda, nidaamyada amniga iyo nidaamka federaalka.

Puntland waxay sheegtay in ciidamada ammaanku ee ka howl gala gudaha gobolka ay hoos imanayaan maamulka gobolka, halka Dowladda Federaalka ay ilaalineyso masuuliyadda qaranka ee hay’adaha ammaanka Soomaaliya. Doodaha is khilaafsan waxay adkeeyeen dadaallada lagu dhisayo qaab-dhismeedyo ammaanka oo mideysan guud ahaan dalka.

Carmo ayaa si gaar ah muhiim u ah sababtoo ah waa xarun tababar boolis oo weyn Puntland ah wuxuuna loo adeegsadaa tababarka shaqaalaha ammaanka.

Guuritaanka ciidamadii ugu dambeeyey ayaa ku soo beegmaya iyadoo Puntland ay sii wado ololaheeda ka dhanka ah dagaalyahannada Daacish ee buuraha Cal Miskaad, halka xiisadaha siyaasadeed ee Muqdisho ay khatar u yihiin inay ka leexiyaan Howlgaladaii socday.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe