Thursday, July 30, 2026
HomeWararGudahaAl-Shabaab oo Weerar ku qaaday Saldhiga Ciidamada Burindi oo Ku Yaalla Degmada...

Al-Shabaab oo Weerar ku qaaday Saldhiga Ciidamada Burindi oo Ku Yaalla Degmada Balcad

Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig milatari oo ay Maamulaan ciidamada nabad ilaalinta Burundi oo ku yaala Degmada Balcad ee Gobolka shabeelaha dhexe ee maamulka Hirshabeele oo 30 kiilomitir waqooyi ka xigta Muqdisho.

Weerarka ayaa bilaawday xili saq dhexe ah ,iyada oo Dadka deegaan warbaahinta u sheegeen in ay Al-Shabaab adeegsanayeen hub culus iyo hub yar Saldhigaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Burundi ee ka howlgala hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM). Khasaaraha ka dhashay ilaa iyo hada lama oga. sidoo kale masuuliyiinta Hirshabeele ma aysan soo saarin bayaan rasmi ah oo ku saabsan weerarkaas ka dhacay Shabeelaha Dhexe.

Dadka ku nool Degmada Balcad ayaa sheegay inay maqleen hub culus oo socday muddo dheer iyo qaraxyo badan intii uu socday weerarka, taasoo cabsi gelisay dadka rayidka ah ee ku nool agagaarka saldhigga ciidamada la weeray.

Al-Shabaab ayaa si joogto ah u beegsata ciidanka Midowga Afrika iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ee Shabeellaha Dhexe qayb ka ah dagaalkeeda soconaya muddo dheer ee ka dhanka ah dowladda Soomaaliya.

Balcad, oo ku taalla waddada istiraatiijiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa marar badan noqotay goob weerarro Al-Shabaab fulisay.

Sanadihii u dambeeyay, Al-Shabaab waxay fulisay qaraxyada wadooyinka, weerarro gantaal ah, iyo weerarro ay beegsadaan xarumo ciidamada ammaanka iyo nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan gudaha iyo agagaarka magaalooyinka kale ee ku yaala Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe