Saturday, July 18, 2026
HomeWararGudahaErdoğan oo u gudbiyay Baarlamaanka codsi in lagu kordhiyo muddada ay ciidamada...

Erdoğan oo u gudbiyay Baarlamaanka codsi in lagu kordhiyo muddada ay ciidamada Turkigu ka howlgalayaan Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa u gudbiyay Baarlamaanka dalkaas codsi uu ku dalbanayo in laba sano lagu kordhiyo muddada ay ciidamada Turkigu ka howlgalayaan Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo heshiisyada iskaashiga difaaca ee u dhexeeya labada dal.

Qoraalka codsiga oo loo gudbiyay Golaha Weyn ee Qaranka Turkiga ayaa lagu sheegay in amniga iyo xasilloonida Soomaaliya ay muhiim u yihiin nabadgelyada gobolka oo dhan, isla markaana kordhinta mudada howlgalka ay u saamaxeyso ciidamada Turkiga inay sii wadaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada iyo khataraha kale ee amniga.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay tan iyo sanadkii 2011 xiriir dhow la lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo xoojisay iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo amniga.

Sida ku cad codsiga, Turkigu wuxuu sii waday tababarka ciidamada Soomaaliya, adeegyada latalinta iyo taageerada farsamo iyadoo la raacayo heshiisyada labada dal ee ku saabsan tababarka militariga, iskaashiga farsamada, warshadaha difaaca iyo taageerada dhaqaale ee ciidamada qalabka sida.

Qoraalka ayaa sidoo kale tilmaamay in inkastoo ciidamada ammaanka Soomaaliya ay haystaan shaqaale iyo qalab ku filan, haddana caqabadaha dhaqaale ay weli saameyn ku leeyihiin awooddooda howlgal.

Codsigu wuxuu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Turkiga ka codsatay inuu sii wado taageeradiisa, gaar ahaan dhinaca militariga, iyadoo loo marayo Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee labada dal.

Taageeradaasi ayaa lagu sheegay inay ka qeyb qaadaneyso la dagaallanka argagixisada, burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci darrada ah, tahriibinta dadka iyo khataraha kale ee amniga.

Sidoo kale, codsigu wuxuu tixraacay qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay 1-dii Diseembar 2023, isagoo sheegay in Turkigu aaminsan yahay in taageeradiisu ay gacan ka geysaneyso xasilloonida muddada dheer ee Soomaaliya, isla markaana ay xoojineyso awoodda dalka ee ilaalinta kheyraadkiisa iyo horumarinta hay’adaha difaaca iyo amniga.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in iskaashigan uu ka qeyb qaadanayo sugidda ammaanka marin-biyoodka muhiimka u ah ganacsiga iyo maraakiibta Turkiga, isla markaana uu xoojinayo dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, burcad-badeedda iyo weerarrada hubeysan ee ka dhaca Gacanka Cadmeed, Badda Carabta iyo biyaha ku dhow.

Haddii Baarlamaanka Turkigu ansixiyo codsigan, oggolaanshaha ku saleysan Qodobka 92-aad ee Dastuurka Turkiga ayaa laba sano oo kale lagu kordhin doonaa marka uu dhammaado waqtiga hadda jira ee ku eg 27-ka Luulyo 2026.

Kordhintaasi waxay u oggolaan doontaa ciidamada Turkiga inay sii wadaan howlgalladooda goobaha ay labada dal ku heshiiyeen, oo ay ku jiraan biyaha dhulka Soomaaliya, iyagoo ku shaqeynaya amarka Madaxweynaha Turkiga, si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Waxay sidoo kale u oggolaan doontaa ciidamada Turkiga inay la shaqeeyaan dalal kale iyo hay’ado caalami ah marka loo baahdo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe