Turkiga ayaa ka wada bartamaha Soomaaliya dhismaha xarun loogu talagalay hawada sare iyo tijaabinta gantaallada riddada dheer, sida lagu sheegay warbixin ay Arbacadii daabacday wargeyska Faransiiska ee Le Monde.
Warbixintu waxay sheegtay in mashruucan, oo si rasmi ah loogu dhawaaqay bishii Diseembar 2025 inuu yahay iskaashi dhinaca tiknoolajiyadda ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, uu ka koobnaan doono saldhig lagu gano dayax-gacmeedyo iyo goob lagu tijaabiyo gantaallada riddada dheer.
Sida uu wargeysku sheegay, xaruntan ayaa ah wejigii ugu dambeeyay ee qorshe socday ku dhowaad toban sano, kaas oo lagu doonayo in Soomaaliya ay noqoto saldhig muhiim ah oo Turkigu ka fuliyo hawlgalladiisa istaraatiijiga ah.
Le Monde ayaa sidoo kale sheegtay in mashruucan uu yahay natiijada 15 sano oo maalgashi siyaasadeed, milatari iyo dhaqaale ah oo uu hoggaaminayay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.
Turkiga ayaa qorshaynaya in xaruntaan ay kordhin karto awoodda iyo masaafada uu gaari karo barnaamijka gantaallada riddada dheer ee Turkiga.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in shaqada dhismaha saldhigga laga bilaabay bartamihii Oktoobar 2025 duleedka degmada Warsheekh, oo qiyaastii 70 kiiloomitir waqooyi kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Turkiga ayaan weli si rasmi ah uga hadlin faahfaahinta sheegashooyinka ku jira warbixinta Le Monde.

