Friday, July 3, 2026
HomeWararGudahaDuqa Magaalada St. Louis Park ee Maraykanka, Naadiya Maxamed oo Muqdisho soo...

Duqa Magaalada St. Louis Park ee Maraykanka, Naadiya Maxamed oo Muqdisho soo gaartay

Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaartay Duqa Magaalada St. Louis Park Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Naadiya Maxamed ayaa maanta soo gaartay Magaalada Muqdisho iyada oo soo dhaweynteeda ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin kala duwan.

Naadiya oo si kooban Warbaahinta ula hadashay markii ay gudaha usoo gashay qaybta nasashada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay dib ugu soo laabashada Dalkeeda 1aad.

Waxa ay xustay in Dalka ay ugu dambaysay sannadkii 2016kii oo haatan laga joogo 10 sano iyada oo bogaadisay isbaddelka cusub ee indhaheeda ku qabteen Magaalada Muqdisho waxaana ay soo jeedisay in la kordhiyo horumarinta Dalka.

“Waan ku faraxsanahay in aan dalkeyga Hooyo ee Soomaaliya maanta aan joogo, sannadkii 2016 ayaa iigu dambeysay in aan Soomaaliya imaado” Ayay tiri Duqa Magaalada St. Louis Park ee Maraykanka, Naadiya Maxamed.

Doorasho ka dhacday Dalka Maraykanka gaar ahaan Magaalada ay u tartantay Naadiya ee lagu magacaabo St. Louis Park Bishii November 2023 waxa ay heshay codad u dhigan (58.4%) iyada oo sidaasi ku noqotay duqii ugu da’da yaraa ee Dalkaas lagu doorto.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe