Waxaa kor u kacay qiimaha Shidaalka Adduunka oo maalmo kahor hoos u dhac ballaaran ku socday kaddib markii duqaymo adag ay is dhaafsadeen Maraykanka iyo Iiraan, waxaana xirmay marinka Hormuuz halkaas oo maraakiib badan ay taagan yihiin.
Sarakaca hadda jira waa 0.9% waxaana suuragal ah in bisha Agoosto uu halkii fuusto ay gaarto $73.21 waa haddii aan isbaddel degdeg ah ka dhicin dhinaca dagaalka sida ay ku warrameen khubarrada ku xeelka dheer Arrimahaan.
Fabien Yip oo ah falanqeeye dhinaca Suuqa kana tirsan Shirkadda IG ayaa sheegay in kororkaan uu sii socon doonno haddii aan la helin xal degdeg ah oo damaanadqaadaya isu gudubka Maraakiibta Shidaalka ee Marinka Hormuz.
Waxa uu xusay in is afgaradka Iiraan iyo Maraykanka uu hoos u dhigay qiimaha Shidaalka caqabadda soo korortay ee duqaymaha & Xiisadda cusub ayaa sababtay in maanta oo Isniin ah isbaddel dhinaca shidaalka ah laga dareemo.

