Thursday, June 25, 2026
HomeWararGudahaXamse Cabdi Barre oo kulamo gaar gaar ah ka wada magaalada Dhuusamareeb

Xamse Cabdi Barre oo kulamo gaar gaar ah ka wada magaalada Dhuusamareeb

Xamse Cabdi Barre oo saacadihii la soo dhaafay ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa kulamo la yeeshay Madaxda Galmudug iyo kuwa heer Federaalka.

Kulamadan ayaa waxaa qeyb ka ah kulan gaar ah oo uu Ra’iisul wasaarihii hore ee soomaaliya la yeeshay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad.

Kulanka ayaa lagu siiyay warbixinno la xiriira shirarkii gaar gaarka ahaa ee maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Dhuusamareeb, kuwaasi oo looga hadlay mustaqbalka iyo doorashooyinka Maamulka Galmudug.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in si faahfaahsan looga hadlo hannaanka qabashada doorashooyinka qof iyo codka ah ee dhawaan al filayo in ay ka qabsoomaan Maamulka Galmudug.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe