Wednesday, June 24, 2026
HomeWararGudahaXamsa Cabdi Barre iyo wafdi la socda oo soo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi la socda oo soo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi la socda ayaa duhurnimadii maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug halkaas oo uu ka billaabyo kulamo wadatashi ah.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin isugu jirta heer Federaal, Heer Dowlad-Goboleed, saraakiisha ciidanka labada heer & kuwa Midowga Afrika.

Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato madaxda sare ee Dowlad-Goboleedka Galmudug oo sidaan oo kale la kulmay Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka NISA, Mahad Maxamed Salaad.

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa doonaysa in Deegaannada Dowlad-Goboleedka Galmudug ka qabato Doorasho Dadweyne oo lamid ah tii ka dhacday Gobolka Banaadir oo weli muranka ka taaganyahay iyo Dowlad-Goboleedka Galmudug si Dadku u doortaan mas’uuliyiinta maamulaysa.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe