Madaxa Ururka Saraakiisha Maraakiibta ee Masar ayaa sheegay in dadaallada lagu doonayo sii deynta siddeed badmaax oo Masaari ah oo lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya ay gaareen meel adag, isagoo xusay in xaaladda ay sii murjisay maqnaanshaha cid si rasmi ah loola xaajoon karo.
Kabtan Al-Sayed Al-Shazly, oo ah madaxa ururka isla markaana xiriiriye u ah Xiriirka Caalamiga ah ee Shaqaalaha Gaadiidka (ITF), ayaa sheegay in dowladda Masar ay waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo ay hoggaaminayaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hay’adaha kale ee ay khusayso, kuwaas oo xiriirro la sameeyay dalal iyo hay’ado caalami ah.
Wareysi uu siiyay telefishinka Al-Shams, Al-Shazly wuxuu sheegay in caqabadda ugu weyn ay tahay nooca kooxaha lagu eedeeyay afduubka.
“Xaaladdu aad ayay u adag tahay sababtoo ah waxaan la macaamilaynaa kooxo burcad-badeed ah oo aan lahayn qaab-dhismeed rasmi ah ama hoggaan la aqoonsan yahay, taasoo adkeynaysa in lagu gaaro heshiis loo maro waddooyinka diblomaasiyadeed ee caadiga ah,” ayuu yiri.
Mas’uulkan ayaa sidoo kale dusha ka saaray milkiilaha markabka mas’uuliyadda badbaadada shaqaalaha, isagoo ku eedeeyay inuu ka gaabsaday ka qeyb qaadashada dadaallada lagu doonayo xallinta arrinta.
Wuxuu sheegay in markabka la afduubtay uu ka mid yahay maraakiibta yaryar ee qaada adeegyada shidaalka, islamarkaana qiimaha caymiskiisa lagu qiyaasay ku dhowaad hal milyan oo doolar.
Al-Shazly ayaa ka digay in la qaado tallaabo militari oo lagu soo furto badmaaxiinta, isagoo sheegay in howlgal kasta oo aan si taxaddar leh loo qorsheyn uu khatar gelin karo nolosha dadka la heysto.
“Xalka militari wuxuu halis toos ah ku noqon karaa badmaaxiinta la haysto, sidaas darteed waa in si weyn looga fiirsadaa tallaabo kasta oo noocaas ah,” ayuu yiri.
Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya ama hay’adaha amniga ee Soomaaliya oo ka jawaabaya hadallada mas’uulkan Masariga ah.

