Xisbiga Himilo Qaran, ayaa si adag u beeniyay eedeymo dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo yeeray oo ku saabsan hub lagu sheegay in laga qabtay xarumaha mucaaradku deggen yihiin.
Xoghayha xisbiga Himilo Qaran xildhibaan Yuusuf Gamaadiid ayaa sheegay in hubka la soo bandhigay laga soo ururiyay goobo kala duwan oo ay leeyihiin mas’uuliyiin dowladeed iyo siyaasiyiin kale, isagoo ku dooday in aanu jirin wax hub ah oo laga qabtay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ama xarumaha mucaaradka.
“Waxaan nasiib darro aad u weyn u aragnaa in halkii laga sugaayay in la dhaqan geliyo heshiiskii hordhaca ahaa ee xabbad-joojinta, la soo bandhigay eedeymo iyo hub la sheegay in laga qabtay mucaaradka, arrintaas oo aan u aragno marin-habaabin,” ayuu yiri xildhibaan Gamaadiid.
Waxa uu sheegay in dowladda ay isku dayayso inay qariso khasaarihii ka dhashay iska horimaadyadii dhawaan ka dhacay magaalaada Muqdisho, isla markaana shacabka lagu marin habaabinayo eedeymaha la xiriira hubka la soo bandhigay.
“Foolxumada ugu weyn ee dhacday waxay tahay in la ogaaday in aan xoog lagu maquunin karin dadka cabashadooda iyo mucaaradka siyaasadeed, iyadoo ugu dambeyn wada-hadallo lagu joojiyay dagaalladii dhacay,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Xoghayaha Himilo Qaran ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda inay weerarro ku qaaday goobo ay ku sugnaayeen siyaasiyiin mucaarad ah iyo xarumo lagu abaabulayay mudaharaadyo nabadeed, isagoo sheegay in tallaabooyinkaasi ay sii xoojinayaan xiisadda siyaasadeed ee dalka.
Xildhibaan Gamaadiid ayaa ugu baaqay in si madax-bannaan loo baaro dhacdooyinkii dhacay iyo eedeymaha la isku jeedinayo, si loo xaqiijiyo xaqiiqada arrimaha la isku hayo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay Muqdisho ku soo bandhigtay hub iyo gaadiid dagaal oo ay sheegtay un ay kasoo saartay hoyga uu Mirinaayo ka degnaa madaxweyne hore Shariif Sheikh Axmed. Hay’adaha amniga ayaa sheegay in ay hubkaas la wareegeen.

