Thursday, June 4, 2026
HomeWararGudahaMareykanka iyo UK oo war ka soo saarey xaaladda Muqdisho

Mareykanka iyo UK oo war ka soo saarey xaaladda Muqdisho

Dowladaha Mareykanka iyo UK oo kamid ah Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalka saacadihii la soo dhaafay dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Mucaaradka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa waxaa lagu baaqay in la joojiyo rabshadaha, isla markaasna labada dhinac ay isugu yimaadaan Miiska wada hadalka.

“Rabshadaha ka socda Muqdisho waa kuwo masuuliyad darro ah, Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee dhinac kasta jooga waxaa saaran waajibaad ah inay ilaaliyaan xasilloonida dalka isla markaana khilaafaadka ku xalliyaan si nabad ah” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka.

Sidoo kale, UK ayaa dhankeeda sheegatay in aan la aqbali karin fal kasta oo wax u dhibaya Amniga Muqdisho

“Rabshaduhu waa wax aan la aqbali karin, waxaana ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, isla markaana ay galaan wada-hadal loo dhan yahay oo wax dhisaya si xiisadaha jira loogu xalliyo si nabad ah” ayaa lagu yiri Bayaan ay soos aartay Safaaradda UK ee Soomaaliya.

Mareykanka iyo UK ayaa dhawaan garwadeen ka ahaa wada hadalladii ugu dambeeyay ee ay yeesheen Madaxda Dowladda iyo Xubnaha Mucaaradka, kuwaasi oo ku soo dhammaaday Natiijo la’aan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe