Monday, June 1, 2026
HomeWararGudahaRoobab mahiigaan ah iyo daadad xooggan oo hakiyay isu socodka Boosaaso iyo...

Roobab mahiigaan ah iyo daadad xooggan oo hakiyay isu socodka Boosaaso iyo Qardho

Ciidanka Booliiska Puntland ayaa soo saaray digniin ku saabsan khataraha ka dhasha safarka waddooyinka waaweyn xilligan oo ay da’ayaan roobabka Gu’ga, iyagoo shacabka ugu baaqay inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah marka ay marayaan togagga, biyo-mareennada iyo buundooyinka ay biyuhu ku fataheen.

Digniinta ayaa ku soo beegantay xilli roobab mahiigaan ah ay ka da’een gobollada Bari, Karkaar iyo Haylaan, kuwaas oo sababay daadad xooggan oo saameeyay isu socodka gaadiidka iyo dadka.

Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in Togga Durdur ee deegaanka Ceeldaahir uu mar kale qaaday gaadiid waaweyn, kaddib markii habeenkii hore laga soo badbaadiyey darawallo ay biyuhu la tageen. Sidoo kale, daad ka soo rogmaday Togga Buraan ayaa qaaday gaadiid kale, iyadoo dadka safarka ah ay codsanayaan gurmad degdeg ah.

Daadadka ayaa sidoo kale la sheegay inay kala xireen jidka muhiimka ah ee isku xira magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, taas oo hakad gelisay isu socodkii gaadiidka ee waddada laamiga.

Booliiska Puntland ayaa shacabka ku boorriyey inay ka fogaadaan isku dayga ka gudubka togagga iyo buundooyinka ay biyuhu ka buuxaan, isla markaana ay raacaan tilmaamaha ciidamada ku sugan waddooyinka si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha roobabka iyo daadadka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe