Sunday, May 31, 2026
HomeWararGudahaCiidanka Xoogga oo Sheegay Inuu Dilay Laba Horjooge oo ka Tirsanaa Al-Shabaab...

Ciidanka Xoogga oo Sheegay Inuu Dilay Laba Horjooge oo ka Tirsanaa Al-Shabaab kuna sugneyd Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday horjooge lagu magacaabi jiray Abuu Cabdalla, kaas oo muddo dheer ku lug lahaa abaabulka iyo fulinta falal amni-darro oo lagu dhibaateynayay dadka deegaanka.

Sidoo kale, ciidamada ayaa sheegay in horjoogahan uu door muuqda ku lahaa qorsheynta iyo hagidda dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ee deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose, Intii uu socday howlgalka ayaa sidoo kale la dilay waardiyihiisii gaarka ahaa.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu bartilmaameedsanayo horjoogeyaasha iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab, si loo wiiqo awooddooda loona fashiliyo weerarrada ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay xustay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo la adkeynayo dadaallada lagu ciribtirayo kooxdaasi iyo sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe