Tuesday, May 26, 2026
HomeWararGudahaDowladda Indonesia oo soo saartay Amar la xiriira maalmaha Ciidul Adxa

Dowladda Indonesia oo soo saartay Amar la xiriira maalmaha Ciidul Adxa

Wasiirka cunada ee dalka Indonesia, Zulkifli Xasan ayaa sheegay in aan marna la aqbali karin in ganacsatada ay kordhiyaan qiimaha cunada quutul daruuriga, xilligaan oo ay Ummadda Muslimiinta ah.

Amar ka soo baxay Madaxweynaha Indonesia ayaa loogu baaqay ganacsatada in aysan sameyn karin qiimo kordhin, iyadoo aysan ogeyn Dowladda.

Sida ay warbaahinta gudaha dalkaasi Indonesia sheegayso dalkaasi waxaa ka taagan mushkilada kororka qiimaha raashinka oo uu sababay dagaalka Iiraan.

Go’aanka ka soo baxay Dowladda dalkaasi ayaa waxaa soo dhaweeyay Shacabka oo ku tilmaamay tillaabo u hiillineysa bulshada tabaaleysan.

Dhammaan dunida ayaa maalinta berri looga dabaal dagayaa Munaasabadda Ciidul Adxa oo ah maalin ku weyn Ummadda Muslimiinta ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe