Tuesday, May 26, 2026
HomeWararBooliiska oo ku hanjabay in uu xirayo Ragga hubaysan ee dibadbaxayaasha la...

Booliiska oo ku hanjabay in uu xirayo Ragga hubaysan ee dibadbaxayaasha la socda

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) ayaa sheegay in Booliisku uu soo qabanayo Rag hubaysan oo la socda dibadbaxayaal dhinaca mucaaradka ka yimid oo handaday ciidamo katirsan kuwa ammaanka Dowladda.

Waxa uu sheegay in la hayo xogtooda, sawirradooda, magacyadooda iyo dhammaan macluumaadka kale ee lagu soo qaban karo Raggaas hubaysan waa sida uu hadalka u dhigay Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi.

“Maleeshiyaadka & Dadka la jooga guryahooda waxa aan leenahay waa la idin la xisaabtamaa, magacyadiina, Sawirradiina & Xogtiina waala hayaa oo qof weliba NIRA ayuu leeyahay, waana la idinla xisaabtamaa, Shacabkana waa in ay ka fogaadaan waxa lagu sheegayo bannaanbaxa ee qalqalka lagu gelinayo amniga” Sidaasi waxaa yiri Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi).

Muuqaallo ku faafay Baraha Bulshada waxaa ka muuqday Ciidamo ku kala labisan Dharka Booliiska iyo kuwa Xoogga Dalka oo dhexdooda ay ku jiraan Dad watay boorar ay ku dibadbaxayeen, tallaabadaan ayaa muujisay dareen cabsi iyada oo Abaabul ay kala wadaan Dowladda iyo Mucaaradka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe