Sannadihii dambe amniga magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid soo hagaayay, ka dib isbadal weyn ay sameeyeen laamaha amniga caasimadda, kuwaas oo dajiyay qorshe kor loogu qaadayay nabad galyada magaalada oo sannado la daris ahaydn amni darro.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay soo afjarista falalka liddiga ku ah amniga caasimadda, waxaa hoos u dhacay Qaraxyada, dilalka, dhaca, iyo afduubka Muqdisho ay caanka ku ahayd.
Xaqiijinta amniga ayaa udub dhaxaad waxaa u ahaa ciidamada dowladda ee isugu jira Booliska sida Milateriga u tabaran, ciimada Booliiska iyo kuwa NISA ee loo garanaya ilaalo shacab, kuwaas oo kaa Shanaya Camerada qarsoon ee CCTV taas oo sahashay soo qabashada, ka daba taga shaqsiyaasadka geysta falalka liddiga ku ah amniga caasimadda.
Afar sanno ka dib magaalada Muqdisho ayaa hadda wajahaysa koox dhallinyarro ah oo abaabulan kuwaas oo la magac baxay Ciyaal Weero, waxa ay ku hubaysan yihiin Tooreeyo iyo ulal, iyaga oo dhac iyo dhaawac u geysta shacabka Muqdisho.
Dhallinyaradaan ayaa markii ugu horreysay bishaan ka soo muuqday Baraha Bulshada, iyaga oo garaacaya dhallinyaro kale uguna hanjabaya in ay dilayaan, waxaana lagu arkayay muuqaallada ku baahay baraha bulshada dhallinyaradaan oo sidata Toorey lagu qiyaasay dhirir ahaan 50 cm.


