Golaha Samatabixinta Mucaaradka ayaa ku dhawaaqay inay bilaabi doonaan bannaanbaxyo toddobaadle ah oo ka dhacaya Muqdisho laga bilaabo 4-ta Juun, kuwaas oo la qaban doono Khamiis kasta ilaa laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo ku saabsan doorashada dalka.
Ku dhawaaqistan ayaa timid kadib shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabteen hoggaamiyeyaal mucaarad ah, oo ay ka mid ahaayeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre iyo xubno kale oo mucaaradka ka tirsan.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dowladda iyo baarlamaankuba uu dhammaaday, isagoo ku dooday in doorasho kasta oo aan lagu heshiin aysan noqon karin doorasho sharciyad buuxda leh.
Waxa uu sheegay in toddobaadkii hore ay socdeen dadaallo lagu doonayay in heshiis looga gaaro arrimaha doorashada, balse aan lagu guuleysan, isaga oo carrabka ku adkeeyay in doorashada aysan noqon karin mid dhinac keliya uu maamulo, balse loo baahan yahay in lagu heshiiyo guddiyada, hanaanka iyo waqtiga ay ku dhacayso.
Sidoo kale, Shariif Sheekh Axmed ayaa dhaliilay doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo, isaga oo sheegay inay muujiyeen heerka musuqa iyo kala qeybsanaanta siyaasadeed ee ka dhalan karta doorasho aan heshiis lagu ahayn.
Waxa uu sidoo kale dowladda ku eedeeyay inay ciidamada u dirtay deegaanno halis ah oo ay ka jireen dagaallo iyo xiisado siyaasadeed, taasoo uu sheegay inay sababtay dhimashada askar iyo saraakiil ciidan.
Dhankiisa, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hadda yahay “madaxweyne hore”, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkiisii dastuuriga ahaa.
Waxa uu ugu baaqay shacabka Muqdisho inay ka qeyb qaataan bannaanbaxyo nabadeed oo la qorsheeyay in la qabto kadib ciidda, isaga oo sheegay in mucaaradku sii wadi doono mudaharaadyada.
Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sii xoogeysanaysa kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii u dambeeyay ee dowladda iyo mucaaradka ee ku saabsanaa hannaanka iyo nooca doorashada dalka.

