Sunday, May 17, 2026
HomeWararGudahaDG Puntland oo sheegtay in ay qabatay kooxo Burcad Badeed ah

DG Puntland oo sheegtay in ay qabatay kooxo Burcad Badeed ah

Saraakiil katirsan ciidamada ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah Kooxaha Burcad badeedda oo muddooyinkii dambe weerarro ka fuliyay deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedkaas.

Puntland ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay xubno katirsan Kooxahaas Burcad Badeedda ah kuwaas oo ay ku qabatay Gobolka Bari, waxa ay tilmaamtay in lala xisaabtami doonno si looga hortago falalka amniga liddiga ku ah ee dhinaca Badda ay ka wadaan.

Taliska qaybta Booliiska ee Karkaar ayaa sheegay in uu gacan adag ku qabanayo dadka la shaqeeya Kooxaha Burcad Badeedda, waxa uu digniin culus u diray ehelka Dadkaas oo uu xusay in haddii la qabto Maxkamad lasoo taagi doonno.

Booliiska ayaa intaas ku daray in weerarrada intooda badan ay fuliyaan Kooxaha Burcadda ah inay ku beegsadaan Maraakiibta u socota Puntland, waxa uu bannaanka soo dhigay cabsi la xiriirta in ay joogsan karaan Maraakiibtaas sababo la xiriira cabsi ay muujinayaan.

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa ku goodisay in ay Dhul iyo Bad kala dagaalamayso Kooxaha Burcad Badeedda ee dib usoo celiyay weerarrada iyo afduubka ay ka gaysanayaan Badda Cas, kuwaas oo marka ay qabsadaan Maraakiibta la aado dhinaca xeebaha Maamulkaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe