War kasoo baxay Urur Goboledka IGAD ayaa looga hadlay xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana baaq loogu diray Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Mucaaradka si ay dib ugu laabtaan dhabbaha wadahadalka sida hadalka loo dhigay.
Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa saamilayda siyaasadda Soomaaliya ugu baaqay in ay ilaaliyaan xeendaabka nabadda & Wadahadalka isla markaana diiradda ay saaraan wadaxaajood mira-dhal noqon kara sida uu hadalka u dhigay.
IGAD ayaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka usoo jeedisay in mas’uuliyad la iska saaro hannaanka lagu gaari karo wadahadal wax ku ool ah iyada oo la marayo qorshe xasiloon, Dowlad wanaag & in diiradda la saaro adkaynta dowladnimada.
Urur Goboleedka IGAD ayaa garab istaag u muujiyay dedaallada lagu xoojinayo wadahadalka, Nabadda, Xasiloonida iyo Saldhigista Mustaqbalka Soomaaliya iyo Gobolka sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay Ururkaas.
IGAD ayaa ku biiraysa dhinacyo kala duwan oo Dhambaal furan u diray Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Mucaaradda, kaddib markii Jimcihii ay ku kala tageen wadahadalkii ay ka lahaayeen arrimaha Doorashooyinka Dalka.
Madaxda Dowladda Federalaka oo sal ka dhiganaya Dastuurka cusub ee Dalka ayaa ku dooday in muddo xileedka Hay’adaha kala duwan ee Dowladdu uu ku siman yahay 15ka May 2027, halka Mucaaradka oo dood ka dhigtay Dastuurkii 2012 uu ku dooday in xilhaynta Madaxda Dowladdu idlaatay 15ka May 2026.

