Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa soo saaray wareegto madaxweyne oo tixraaceedu yahay Lr. 320, taas oo dib loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Galmudug, G/le Sare Khaliif Cabdulle Maalin.
Wareegtada ayaa lagu caddeeyay in go’aankan loo qaatay ka dib markii la eegay baahida loo qabo dardargelinta iyo tayeynta amniga degaannada Galmudug.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cabdullaahi, uu horey xilka uga qaaday Khaliif Cabdulle Maalin, isagoo Taliyaha Booliska Galmudug u magacaabay Col. Maxamed Daahir.
Go’aanka maanta ka soo baxay madaxtooyada Dhuusamareeb ayaa loo arkaa mid lagu gacan-sayray magacaabista ka timid dhanka federaalka.
Hay’adaha kala duwan ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa la faray in ay si buuxda ula shaqeeyaan Taliyaha dib loo magacaabay si uu u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo igmaday.
Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug ayaa leh xiriir dhow, waxaana dowlad goboleedkaasi la qorsheeyay in bartamaha bisha June in laga qabto Doorasho qof iyo cod ah oo lagu dooran doono Goleyaasha Deegaanka, Wakiilada iyo Madaxweynaha.
Hoos ka akrhiso wareegtada Magacaabista uu soo saarey Madaxweynaha


